Fact Finding Mission to Somaliland

Our Chairman, Mohamoud Omer Sh. Ibrahim, recently undertook a Fact Finding Mission to Somaliland - Somali veriosn below. An English report from Somaliland SES activities can be found by Click here...

Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Mid Ka Mid Ah Ururada Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Deegaan-ka Soomaaliya/Somaliland Oo Ka Dayriyey Xaaladda Somaliland Ee Dhirta Iyo Ugaadha

Borama-(Lug)-Maasuuliyiin sarsare oo xeeldheer arrimaha deegaanka, kana tirsan urur caalami ah oo la yidhaa Soomaaliya/Somaliland ecological society, fadhigiisuna yahay dalka Ingiriiska ayaa ka dayriyey xaaladda deegaanka Somaliland, isla markaana ku tilmaamay mid mustaqbalkiisu madow yahay hadii aan degdeg loo dabaqabatayn dayeelkiisa taasoo ka Dhalatay jaridda dhirta qoyan, dhuxulaysiga, ka ganacsiga iyo dhoodhoofinta duurjoogta dalka.

Warkan oo ay soo saareen xubno ka tirsan Ururkaasi oo ku sugan dalka gudihiisa iyo debeddiisa ayaa waxa uu ka dambeeyey socdaal ay degmooyin ka tirsan dalka kusoo mareen xubnahaasi uuna hoggaaminayey Guddoomniyaha ama Chairmaanka ururrkaasi Soomaaliya /Somaliland ecological society Prof.Maxamuud Cumar Sheekh Ibraahim.

kana mid ah qurbajoogga reer Somaliland ee dalka UK socdaalkan oo ay ku wehelinayeen Maxamed Cige Kille iyo Mr.Maxamed Nuur Hufane ayaa Shir Jaraaid oo ay ku qabteen magaalada Boorama kaddib socdaallo ay ku tegeen degaanada Getiitaley, Gacan libaax iyo Baki ayaa waxay ku sheegeen in meelaha qaar ay yididiilo dhinaca Ilaalinta deegaanka ahi ka muuqato kuwaasoo ay ka hawlgaleen qaar ka mid ah ururada maxalliga ah sida Candle light, halka meelaha qaarkoodna ay xaaladdu meel xun marayso hadii an la dabaqabanna isu beddeli doonaan dhul lama degaanno ah.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Prof.Maxamuud Cumar Sheekh, Guddoomiyaha ururka SSES oo yidhi “Sidaad sheegtay waxaan deggenahay dalka UK, waxaan chairmaan ama gudoomiye u ahay ururka SES,ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka Somaliland iyo Sooomaaliyaba waana ururadii ugu horreeyey ee ka shaqeeya arrimahaasi guud ahaanba dalkii la odhan jiray Soomaaliya.

sannadihii sideetamaadkii ayaa la aasaasay wakhtigaasoo dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ahi soo baxayeen, hase yeeshee ururkaasi ayaa burburay markii ay dhacday dawladii Somalia, Somaliland ayuuna haatan usoo wareegay, aniga iyo khubaro ingriis ahiba waxaan ilaa wakhtigii la aasaasay Somaliland ka qabannay hawlo badan kaddib markii aan hellay rag ka xidhiidh la lahaa ururkaasi oo reer Somaliland ah oo Cige ka mid yahay, Muddo bil ah ayaan dalka joogaa, intii aan joognayna wax naga farxiya iyo wax laga nixiyaba waan aragnay, Tusale buurta Gacan Libaax waxaan ku aragnay sida weli ay dalka uga jiraan dad iyo ururro jecel wanaagga iyo quruxda dalkooda oo soo celiyey seerihii Gacan Libaax , Ugaadhii oo dib ugusoo laabatay iyo waxyaalo kale oo lagu soo kordhiyey, waxase wax laga naxo ah sida xoola dhaqatadii iyo beeraleydiiba maanta dhuxushii uga dhinteen meherad lacageed, lagana ganacsado, awal dad gaar ah ayuunbaa lagu ogaa ganacsiga dhuxusha waana arrin dhibaatadeeda leh una baahan in laga hortego”.

Maxamed Cige Kille kana amid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee dhinaca deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiodhi “shaqadan waxaan bilaabay waagii ingiriisku dalka haystay, waxay lahayd nidaam, meelo dhirta lagu dhaqo nursery, seerayaal, marna la xidho marna la furo, ciidan u gaar ah ilaalinta dhirta waxa jiray ugaadhii, waxaasoo dhammi way tafiir go’een oo waxa is bedelay deeegaankii .intii dagaaladu dhaceenna sharcigii ilaalinta deegaanka ayaa faraha ka baxay, Berbera markaan joogay shoolado ayaan shidan jirray, ninka dhuxusha ka shaqaysanaya waxa la siin jiray liisan shuruudo ku xidhan, maantana waxa weeye maxaa kaa galay, gadhka Warsame Xaad markaan joognay jidkii gaadiidka dhuxusha ayaan naga lumiyey jidkii aan soconnay. sidaa darteed haddii la doonayo in wax uun laga qabto deegaanka halla isticmaalo shoolado gaas, dhuxul dhagax, Baki markii aan gaadhnay ugu yaraan saddex gaadhi oo dhuxul ah ayaa na dhaaftay, sannad hortii ma lahayn dhuxushaasi, dalkii abaarbaa kusoo socota haddii dhirta laga dhammeeyo. dawladda cusubina ha u samayso qorshe ku saabsan ilaalinta deegaanka, seerayaashiina ha lasoo celiyo”.

Dr.Maxamed Nuur Hufane ahna aqoonyahan dhinaca deegaanka ah oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yihi “arrintani waxay u baahan wacyigelin muddio dheer qaadata, dadkuna ogaadaan waxa lagala hadlayo qiimihiisa waxa loo baahan yahay dhaqaale, aqoon iyo xirfad lagaga hortego nabaadguurka, xaalufka iyo ka ganacsiga ama dhoofinta ugaadha duurjoogta ah ee dalka bilicdiisa ah, sida la sheegeyana rajo fiican baa duurjaaogta laga sheegeyaa oo way soo laabatay ayaa la leeyahay waxase loo baahan yahay awood intan ka badan in la geliyo, annaguna waan ka shaqayn doonaa.”.

Wariye:-

Maxamed Cumar Sh.(Hyena)

Lughayanews-Borama

Subcribe for Newsletter

Patrons, Professionals and Institutions will receive hard copies of SES Newsletters and other publications.