Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Prof.Maxamuud Cumar Sheekh, Guddoomiyaha ururka SSES oo yidhi “Sidaad sheegtay waxaan deggenahay dalka UK, waxaan chairmaan ama gudoomiye u ahay ururka SES,ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka Somaliland iyo Sooomaaliyaba waana ururadii ugu horreeyey ee ka shaqeeya arrimahaasi guud ahaanba dalkii la odhan jiray Soomaaliya.
sannadihii sideetamaadkii ayaa la aasaasay wakhtigaasoo dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ahi soo baxayeen, hase yeeshee ururkaasi ayaa burburay markii ay dhacday dawladii Somalia, Somaliland ayuuna haatan usoo wareegay, aniga iyo khubaro ingriis ahiba waxaan ilaa wakhtigii la aasaasay Somaliland ka qabannay hawlo badan kaddib markii aan hellay rag ka xidhiidh la lahaa ururkaasi oo reer Somaliland ah oo Cige ka mid yahay, Muddo bil ah ayaan dalka joogaa, intii aan joognayna wax naga farxiya iyo wax laga nixiyaba waan aragnay, Tusale buurta Gacan Libaax waxaan ku aragnay sida weli ay dalka uga jiraan dad iyo ururro jecel wanaagga iyo quruxda dalkooda oo soo celiyey seerihii Gacan Libaax , Ugaadhii oo dib ugusoo laabatay iyo waxyaalo kale oo lagu soo kordhiyey, waxase wax laga naxo ah sida xoola dhaqatadii iyo beeraleydiiba maanta dhuxushii uga dhinteen meherad lacageed, lagana ganacsado, awal dad gaar ah ayuunbaa lagu ogaa ganacsiga dhuxusha waana arrin dhibaatadeeda leh una baahan in laga hortego”.
Maxamed Cige Kille kana amid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee dhinaca deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiodhi “shaqadan waxaan bilaabay waagii ingiriisku dalka haystay, waxay lahayd nidaam, meelo dhirta lagu dhaqo nursery, seerayaal, marna la xidho marna la furo, ciidan u gaar ah ilaalinta dhirta waxa jiray ugaadhii, waxaasoo dhammi way tafiir go’een oo waxa is bedelay deeegaankii .intii dagaaladu dhaceenna sharcigii ilaalinta deegaanka ayaa faraha ka baxay, Berbera markaan joogay shoolado ayaan shidan jirray, ninka dhuxusha ka shaqaysanaya waxa la siin jiray liisan shuruudo ku xidhan, maantana waxa weeye maxaa kaa galay, gadhka Warsame Xaad markaan joognay jidkii gaadiidka dhuxusha ayaan naga lumiyey jidkii aan soconnay. sidaa darteed haddii la doonayo in wax uun laga qabto deegaanka halla isticmaalo shoolado gaas, dhuxul dhagax, Baki markii aan gaadhnay ugu yaraan saddex gaadhi oo dhuxul ah ayaa na dhaaftay, sannad hortii ma lahayn dhuxushaasi, dalkii abaarbaa kusoo socota haddii dhirta laga dhammeeyo. dawladda cusubina ha u samayso qorshe ku saabsan ilaalinta deegaanka, seerayaashiina ha lasoo celiyo”.
Dr.Maxamed Nuur Hufane ahna aqoonyahan dhinaca deegaanka ah oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yihi “arrintani waxay u baahan wacyigelin muddio dheer qaadata, dadkuna ogaadaan waxa lagala hadlayo qiimihiisa waxa loo baahan yahay dhaqaale, aqoon iyo xirfad lagaga hortego nabaadguurka, xaalufka iyo ka ganacsiga ama dhoofinta ugaadha duurjoogta ah ee dalka bilicdiisa ah, sida la sheegeyana rajo fiican baa duurjaaogta laga sheegeyaa oo way soo laabatay ayaa la leeyahay waxase loo baahan yahay awood intan ka badan in la geliyo, annaguna waan ka shaqayn doonaa.”.